Danjiraha Qadar u jooga Sudan oo booqday dhaawacyada Soomaalida ee la geeyay Isbitaalada Dalkaas

Danjiraraha Qatar u jooga Sudan, Rashiid Bin C/raxmaan Al-nucaymi waxa uu booqday dhaawacyadda Soomalida ee lagu daaweynayo Isbitaalo ku yaalla caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Dowladda Qatar ayaa horey u sheegtay inay  bixinayso Kharajka lagu daaweynayo 171-qof ee lagu daaweynayo Isbitaallada ku yaalla dalka Sudan, oo isugu jira kuwo ay Dowladdu leedahay iyo kuwa Khaaska loo leeyahay.

Wakaalladda Wararka dalka Qatar ee Qatar News Agency (QNA) ayaa sheegtay inuu Danjiruhu ka mahad celiyey dadaalka weyn ee ay Dowladda Sudan ugu jirto daaweynta Dhaawacyadaasi.

Kormeerka Danjiraha ayaa ku soo beegantay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay laga dayrinayey xaalladda Daryeeklka ee dhaawacyada lagu daaweynayo Sudan.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Diyaarad ay leeyihiin Milliteriga dalka Qatar waxay Muqdisho keeneen Shixnad Daawo iyo Qalab Caafimaad, waxayna Diyaaradda sii qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoope.