Dalka Cuba Madaxweyne cusub yeeshay

Miguel Díaz-Canel ayaa waxaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Cuba, isagoo badelaya Raul Castro kaas oo 2006 xilka kala wareegay walaalkiiga xanuunsan ee Fidel.

Waa markii ugu horreysy tan iyo kacaankii 1959 oo uusan xubin ka tirsan qoyska Castro hoggaanka dowladda uusan hayn.

Mr Díaz-Canel ayaa shanti sanno ee la soo dhaafay waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dalkaasi.

Inkastoo Mr Díaz-Canel uu dhashay wixii ka dambeeyay kacaanka, haddana waxa uu xulafo dhaw la ahaa Raúl Castro lamana filayo inuu sameeyo isbadello ballaaran.

Waxa uu Díaz-Canel sheegay mar uu jeedinayay khudbaddii caleema saarka in “aanan wax fursad ah Cuba uga banaanayn kuwa iskudayaya inay dib u soo celiyaan hannaanka furfurnaanta ah”.

Waxaa doortay xubnaha Golaha Qaranka, oo dhammaan xubnahaasi oo dhan 605 ay u codeeyeen bishii Maarso xilli uusan qofna la tartamin.

Mr Castro ayaa sii lahaan doono awood badan oo uu saameyn siyaasadeed ku yeelan karo mar haddiiba uu sii ahaanayo hogaamiyaha xisbiga shuuciga ee haya talada waddanka Cuba.