Dagaalkii ugu cuslaa oo ka dhacay magaalada Mowsil ee dalka Ciraaq(Sawiro)

Dagaal xoogan oo ayaa maanta dib uga qarxay galbeedka Mowsil ee dalka Ciraaq. Dagaalkan oo u dhexeeya  xoogagga xukuumadda Ciraaq iyo mintidiinta qilaafada Islaamiga ee ISS.

Mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Ciraaq ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dagaalku uu ahaa kii ugu cuslaa, tan iyo markii la billaabay hawlgalka dib loogu qabsanayo qaybta galbeed ee magaaladaasi labo toddobaad ka hor.

Ciidanka Ciraaq oo ayaa gacan militeri ka oo dhinaca cirka ka helaya dayaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa ayaa kaabiga ku haya fariisimaha uga weyn ee xarunta u ah kooxaha mintidiinta,

Hay’adaha Samafalka ayaa soo sheegay in  ku dhawaad 40,000 oo qof ay iminka ka soo barakaceen dagaalka ka socda galbeedka magaaladaasi.

©Goobsan Media