Dagaal dhax maray Ciidamada badda Puntland iyo Koox burcad badeed Ah

Wararka aan ka helayno deegaanka Caluula ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in uu halkaas iska horimaad kooban ku dhaxmaray ciidamada badda Puntland iyo koox ka tirsan burcad badeed oo dhawaan Markab qafaalatay.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii koox maleeshiyo isku dayeen inay u gudbaan Markabka, hase yeeshee ciidamadda Badda oo ku hareeraysanaa Markabka ay ka horjoogsadeen inay gudbaan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka labada dhinac dhaxmaray.

Markabka Aris 13 oo laga leeyahay dalka Sri Lanka, ayna maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa maalintii Isniintii ee toddobaadkan qabsaday maleeshiyaad ka tirsan Burcad badeeda ka qowlaysata Xeebaha Soomaaliyaa,

©Goobsan  Media