Dadka tahriibka ah oo la soo sheegayo in laga iibiyo suuqyada adoonsiga

Waxaa jiray in dhawaanahan walaac laga muujinayay dhibaatada tahriibka iyo Khataraha soo wajaha dadka tahriibaya balse markaan waxaa daaha laga qaaday arin khatarteedu ay dadka soo xasuusisay adoonsigii dadbanaa iyo midkii tooska ahaa.

Ayadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in dadka tahriibayaasha la geeyo suuqyada si loo iibsado qaab adoonsi kaasoo noqonaya adoonsi casri ah oo ka bilawday dalka Libya.
Hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IOM oo la hadashay qaar ka mid ah dadkii la iibsaday ayaa sheegtay in shabakad ka kooban kooxo hubeysan iyo mukhalisiin ay ay dadkani geeyaan suuqyo muhaajiriinta lagu iibiyo.
Muhaajiriinta xirfadaha leh ayaa la sheegay in lagu kala iibsado lacaga badan, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa hay’adda IOM.
Dadkani waxay sheegeen in xoog loo haystey laguna khasbay inay shaqeeyaan. Dadka qaarkood ayaa lagu khasbay in ay wacaan eheladoodii si ay lacag u soo diraan.
IOM waxay sidoo kale sheegtay in dadka la garaaco, la faraxumeeyo halka qaarkoodna la khaarijiyay.

Tahriibayaasha Liibiya oo lagu qasbo in ay beeraha ka shaqeeyaan
Waxaa la sheegayaa in qalalaasaha ka taagan Liibiya ay u fududeysay shabakadaha inay u howlgalaan si fudud.
Libya ayaa waxay xudun u tahay meelaha dadka soogalootiga ah ay rajeeyaan in ay ka gudbaan badda meditraniyaanka marka ay u socdaan Yurub.