Dadka aan Muslimiinta ahayn oo ka qaxay Waqooyi Bari Kenya

Dadka aan Muslimiinta aheyn ee kunool  gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa bilaabay in ay qaxaan sidda ay xaqiijiyeen Laamaha Ammaanka dalka Kenya.

Sababta ay dadkaasi ay u qaxayaan ayaa la sheegay in ay tahay Cabsi ay ka qabaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka geysta degaanada hoos yimaada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Maalmo ka hor rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa  weerar khasaare dhaliyay waxa ay ku qaadeen degaan ka tirsan Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Raggan ayaa weerarkooda waxay ay la eegteen Shaqaale Kenyaati ah oo ka shaqeynayay Cara Kaawada, xilligaasina saarnaa gaari iska roge ah oo rar caro ah waday.

Tiro badan oo ka mid ah dadka degaanka ayaa shalay iyo xalay ka baxay degaano ku yaalla gobolka Waqooyi , waxaana ay sheegeen hadii ay Shabaab qabtaan in ay dilayaan.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wariyeyaasha u xaqiijiyay in dadka barakacay ay ka badan yihiin boqol qoys.