Dad xubnahooda loo iibsado si loogu cibaadeysto Sharafna looga helo (sawiro)

waxaan codsaneynaa inaadan daawan hadaa tahay qof neceb dhiiga iyo waxyaabaha argagaxa leh sawiradani waxay ka koobanyihiin kuwa muuqaal cabsi ah leh.

warbixantan iyo sawiradda waxaa laga soo xigtay warbaahinta kala duwan ee Nigeria.

Sida la ogsoonyahay waxaa jira waxyaabo dadka dhiba dadna ay macaash iyo ganacsi iyo sharaf ay u tahay haddaba wadanka Nigeria waxaa ka jirta arimo ku argagaxa galinaya taasoo ah inay hooy u tahay qolyo ka ganacsada xubnaha dadka kuwaas oo soo amra dadka dilka geysta kana sii gata qoftii ay soo dileen xubnaheeda ayakoo ka siinaya qiimo aad u hoseeya waxaana la ogaaday in xubnahaas kaliya aan ganacsi loo samayn ee ay jiraan dad cibaado ahaan u isticmaala ayakoo cunaya si ay caafimaad ama barako uga helaan Dalka Nigeria waxaa ku badan dadka quraafaadka aaminsan.

Hadaba warbixintan ayaa lagu sheegay in qiimaha la kala siisto ay yihiin qiimo aad u hooseeya kaasoo kan ugu sareeya uu yahay 350$ kan ugu hooseeyana ilaa 160$ haddaba dadka reer Nigeria ayaa ah dad aad u dhiban waliba dadka dega meelaha tuulooyinka iyo magaalooyinka fog fog.

1dhibanaha 1aad

dhacdadan ayaa 26/02/2016 dhacaday waana gabar 21 jir lagu qiyaasay gabartan ayaa goor habeen ah la dilay lagalana baxay xubno ay ka midyihiin wadnaha iyo beerka, kalyaha ayadoo meydkeeda subaxdii lagu arkay waxaana la ogaaday in ay sidan yeeleen burcadda ka ganacsata xubnaha aadanaha

2:dhibanaha 2aaad

Dhibanaha 2aad waa wiil yar oo afar jir ah waxaana dilay wiil kale oo lagu magacaabo Tajudeen Aziiz waana 16 jir sababaha uu u dilay ayuu ku sheegay in nin lagu magacaabo Osho ku yiri hadaa Beer,Kalyo, iyo wadne ii keento wan kaa iibsanayaa taasna ay ku qasabtay inuu dilo wiilkan yar oo ee xaafada ijanaki magaalada Lagos ay isla degnaayeen waxa uuna u socday Iskuul waqtigii dhibkan qabsaday wiilka yar ee geeriyooday.

3:dhibanaha 3aad

Waa wiil dhalin yaro ah kaasoo goor habeen ah asna lagu helay xaafad uusan garanayn oo kamid ah Ogun state taasoo ay ka faa’iideysteen qolyaha burcadda xubnaha aadanaha ka ganacsato ayakoona si arxan daro ah u dilay kadibna kala baxay xubnahii ay doonayeen.

waa xubno bini aadam kuwaas oo laga soo saaray guryaha dadki baaritaanka lagu haye