Dad Tahriibayaal ahaa oo ku dhintay Saxaraha Libya

Ciidamada ammaanka ee Libya ayaa ka helay meydadka 16 qof oo qaxooti ah meel u dhow xudduudka dalka Masar, waxaana la sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Qaxooti ka yimid dalalka Bariga Afrika iyo sidoo kale waqooyiga Afrika.

Meydadka ayaa laga helay  meel 310 kilomitir (210 miles) koonfur galbeed kaga began magaalada xeebta  ahTobruk xalay sida uu sheegay Axmed al-Mismari, afhayeenka qaybta bari ee saldhigga ciidanka Liibiya.

Waxaa uu sheegay in Qaxootigaasi ay ku waddaan Baaritaano ku aadan Aqoonsiyadda iyo sidoo kale dalalka ay kasoo jeedaan.

Al-Mismari ayaa sheegay in ciidamadu weli raadinayaan in ay jiraan meyadad kale. Weli lama sheegin dalalka ay ka soo jeedaan kuwa ku dhintey saxaraha Libya.