Mozambique: Dad ku dhimatay buur qashin ah oo ku soo duntay (SAWIRRO)

Ugu yaraan 17 qofood ayaa ku dhintay kaddib markii buur oo qashin ah oo ay hoos deganaayeen ay ku soo duntay kaddib roobab fara badan oo ka da’ay dalka Mozambique.

Dhibaatadan ayaa ka dhacday hareeraha caasimadda dalkaasi ee Maputo oo ay roobab ka da’ayeen maanta oo Isniin ah, waxaana illaa iyo hatan socda baadi goobka loogu jiro in la helo dad kale.

Buur qashin ah oo saddex dabaq ah ayaa ku soo duntay guryihii jiingadda ahaa ee ka hooseeyay, waxaana haatan dad kale oo halkaa degannaa ay ka guureen guryahooda iyagoo naftooda u cabsanaya.

Dadka deggan meeshan wasaqda badan ayaa waxay yihiin dad sabool ah, waana xaafad isku raran ah oo caasimadda Maputo ka tirsan sida ay shaacisay wakaaladda wararka Bortuqiiska ee Lusa.

Qashinka nuucan oo kale ah ayaa ku badan Qaaradda Afrika waxaana sidan oo kale 13 Maarso 2017, ay ahayd markii Buur weyn oo qashin ah ay ku soo duntay dad ku dhex noolaa caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababe, taasoo sababtay dhimashada 113 qofood.