DAAWO VIEDO: Kooxo hubeysan oo Hooyo Soomaaliyeed iyo Wiilkeeda isku meel ku dilay

Hooyo iyo wiilkeeda oo ahaa Soomaali ayaa lagu dilay magaalada Nashville ee dalka Mareykanka, sida ay Booliska u sheegeen warbaahinta gudaha ee dalka Mareykanka.

Koox ku hubeysan Hubka fudud ayaa gurigooda ugu galay Hooyada iyo wiilkeeda, kadib Rasaas ayaa hubiyeen, iyaga oo dilka kadib ka baxsaday goobta, daqiiqado kadibna ay halkaasi soo gaareen Ciidamada ammaanka oo hada wada baaritaano xaqiiqo raadin ah.

Hooyada la dilay ayaa waxaa lgu magacaabi jiray Iisho Muuse oo Da’deeda lagu sheegay 37 sano, halka wiilkeeda oo la dilayna uu jiray 20 sano, laguna magacaabi jiray Osmani.
Bayaan ka soo baxay Booliska dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan naxdinta leh, sida ugu dhaqsiyaha badana gacanta lagu soo dhigi doono, si cadaalada loo horkeeno.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan dilka labadan qof in uu ka dambeeyay kadib markii wiilka la dilay uu horey Facebookiisa uu u soo dhigi jiray isaga oo isku soo sawiray lacago fara badan, sidaasina ay ku soo raaceen kooxo burcad ah, dilkana loogu geystay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen falkan, waxayna Ciidamada ammaanka ugu baaqeen in gacanta lagu soo dhigi burcadii dilka geysatay.