Daawo video: Xayawaan badda ku nool oo loo tababarayo Askarnimo iyo waliba sida miinada loo fur furo

Mar walba oo aad aduunka sii joogto waxaa kuu kordha waaya aragnimo taasoo kaaga timaada dadka ku nool guud ahaan caalamka, waxaan maanta ka hadli doonaa xayawaan lagu magacaabo Seals ee badda ku nool oo loo tababarayo askarnimo.

Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo “Repettle TV”, ayaa muuqaal kasoo duubay xayawaanka seals-ka oo hub lagu tababarayo, sida miinooyinka loo furfuro iyo iney qaadi karaan calanka Ruushka gudaha badda.

Sida ay sheegayso jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska xawaankan ayaa lagu tababaray xerada tababarka culuumta badda ee Ruushka, iyadoo lagu tababarayo iney hubka qaadaan isla markaana ay furfuran miinooyinka, waxaana la filayaa iney ka qeybqaataan dabaaldagga 72 guuradii kasoo wareegatay  guushii ciidamda Ruushku ay ka gaareen Naasigii Jarmalka sanadkii 1945-tii.

Xayawaanka seal-ka oo loobixiyay magacyada Tito iyo Lilo ayaa ka soo dhex muuqanaya vedio-ga iyagoo qoryo la cabeyay ka ridaya xabado, isla markaan furfuray mid ka mid ah bambaanooyin tababarka.

Xayawaankan seals-ka haweenaydii tababareysay oo lagu magacaabo Chernovo Beviskaya, ayaa tiri labadan xayawaan waxay ka qeybgeli doonaan dabaaldagga ciidanka ee maalintii guusha, waxayna waddankooda kala qeybqaadan doonaan hibooyinkooda ay ku kasbadeen tabararka adag ee la siiyay.

Sidoo kale xayawaankan ayaa ah xayawaan dhiifoon oo aad ka dareemeyso habka caqliyaysan ee uu tababarka u qaadanay isla markaana leh aragti fog.

Halkan ka daawo muuqaalka