Daawo Video: Wiil hooyadiis Gowracaya oo la qabtay

Deegaan lagu magacaabo Fiango Kumba ee dhaca koofur Galbeed  Kaamaruun ayaa waxaa ka dhacday Arin hadal heynteedu ku badatay wadankaas kadib markii wiil Dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Rexon uu madaxa ka gooyay hooyadiis.

Wiilkan da’da 20 jirada ku jira ayaa maalintii talaadada ahayd 09-05-2017 waxa uu gowracay hooyadiis taasoo sababta uu ku sheegay inay u dirsadeen dadka ayagu aaminsan In xubnaha ugu muhiimsan dadka oo la cuno ay tahay cibaado kuwaas oo u balan qaaday haduu hooyadiis soo dilo inay siinayaan Visa uu ku tago  Dalka Mareekanka.

Hooyadaan iska danta yar oo wiilkeedu gowracay ayaa waxay ubad ka dhashay kaligiis sida ay wararku sheegayaan waxaana ay ku guda jirtay xiligii uu gowracayay akhrinta Bibileka.

Rexon ayaa hooyadiis usoo galay qolkeeda kuna bilaabay muran taasoo uu ka gol lahaa bilaawga daan-daansi uu ku banaysanayo inuu hooyadiis kurka ka jaro, daqiiqado yar kadib ayuu lasoo baxay baangad ama maqar u diyaarsaneed taasoo markii dambe uu ku weeraray hooyadiis taasoo ay u geeriyootay dhaawacii kazoo gaaray.

Dadka degaanka ayaa durba ka war helay waxayna wareysi la yeesheen Rexon asaga ayaana wax walba u cadeeyay dadka degaanka ayaa go’aansaday inay asagana nafta dhaafiyaan balse nasiibkiisa ayaa noqday oo booliska ayaa kazoo gaaray asagoo garaab ah.

Halkan ka Daawo Video-ga