Daawo Video: wadanka Gaana oo noqday wadankii ugu horeeyay Afrika ee Gaari koronto ku shaqeeya soo saaro

Wadanka Gaana ayaa noqday wadankii ugu horeeyay oo African ah oo sameeyay Gaari nuuca Korontada ku shaqeeya, Gaarigan ayaa waxyaabo ay ka midyihiin wadanka dibadiisa laga keenay waana rashkabarka gaariga iyo Taayeerada iyo layrarka ku xiran inta kale waxaa lagu farsameeyay gudaha wadanka Gaana.

Gaarigan ayaa waxaa iska kaashaday samayntiisa  5 shaqaale isagu jira makaaniko, baata laamiyeeriste, iyo injineero dab yaqaan ah kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay inay soo saaraan gaari koronto ku shaqeeya oo nuuciisu yahay Isan Electric Suv.

Gaarigan ayaa waxyaabaha cajiibka uu leeyahay waxaa ka kid ah in codka la saaray marka gaarigu gadaal ama reefis u socdo uu yahay isla luuqada Gaana oo uu ku leeyahaya “ iiga leexo wadadeyda”

Halkan hoose ka daawo video iyo sawirada gaariga ku shaqaynaya korontada