Daawo video: qaabka loo sameeyo Bariiska Caaga ah ee aduunka ka yaabiyay

Wadanka Shiinaha waa wadan ku wanaagsan wax soo saarka waana wadamada ugu horeeya aduunka marka loo fiiriyo ka faa’iideysiga ay ku sameeyaan waxyaabaha la nacay ayaoo dib u warshadeeya waxna kasoo saara.

Markaan waxaan ka hadli doonaa bariiska macmalka ah ee gacan ku samayska ah ee Shiinuhu sameeyo kaasoo la sheegay in Qatar badan u keeno caafimaadka.

Bariiskan waxaa laga sameeyaa waxyaabaha kala ah Bacaha, Caagadaha jilicsan, Bataati macaanka, Baradhada, iyo waliba waxay kaloo ku carfiyaan maado kiimiko ah oo adooraha bariiska oo kale u yeelaysa  bariiskan macmalka ah.

Bariiskan waxaa lagu isticmaali jiray gudaha Shiinaha balse ganacsato ayaa bilowday inay banaanka u iib geeyaan.

Bariiskan inuu yahay bariis gacan ku samays ah waxaa ogaaday warbaahin laga leeyahay dalka Singapore kaasoo dabagal ku sameeyay warbixino badana ka qoray.

Wadamada ugu horeeyay ee loo iib geeyay waxaa kamid ahaa wadamada kala ah India, Indonesia, Vietnam, Singapore, iyo Philippineka.

Waxa uuna sanad walba iib gayn jiray 9 milyan oo tan oo bariiska Caaga ah.

Bariiskan ayaa dhawaan lagu arkay wadamo kamid ah Qaarad weynta Africa waxaana loo malaynayaa in suuq looga helay Afrika ayadoo la sheegay in horay loogu qabtay bariiskan mid kamid ah suuqyada Nigeria.

Bariiskan ayaa cunidiisa looga digay dadka isticmaala waxa uuna hakis galiyaa dheef shiidka, Bariiskan ayaa la ogaadaa inuu yahay  caag marka la kariyo taasoo uu  shiilmayo waxaa kale oo lagu ogaadaa waqtiga la dhaqayo taasoo uu biyaha kasoo kormayo, sidoo kale waxaad ku garan kartaa inaad qaniinto oo ilkaha ku qabato.

Halkaan ka daawo sida loo sameeyo bariiska caaga ah.