Daawo video: Nin sheegay inuu kaadidiisa isku daweeyo

Dave murphy waa 54 jir aduunka ka yaabsaday waxa uu muddo 6 sano ah si joogta ah u cabaayay kaadidiisa asagoo sheegay inuu wax walba ka jecelyahay ayna u tahay dawo dabiici ah oo jirkiisa uu ka helay.

Dave waa aabe haysta wiil iyo gabar waana ninka sida joogtada ah u sticmaala kaadida waliba asagoo sheegay inay u tahay daawo iyo cabitaan walibana wajiga ku dhaqda asagoo sheegay inuu ku dilo muuqaalka da’da ayna la dagaalanto.

Waxa uu bilaabay inuu kaadidisa dawo ahaan u isticmaalo sanadii 2011 ilaa iyo hadda si joogta ah ayuu u isticmaala asagoo jadwal u sameeyay.

Waxa uu sheegay in subaxa hore kaadida diiran ee uu kaadiyo ay tahay mid dawo ah uuna isaga daweeyo xanuuno badan ay ka mid tahay Neefta iyo sidoo kale inuu kula dagaalamo cayilka waana arinta ugu muhiimsan uu kaadida u isticmaalo.

Dave waxa uu yiri “waxan ku talin lahaa in dawo aan lacag la isaga bixin ee sida aniga oo kale kaadida dabiiciga ah la isku daaweeyo ma ahan mid aad qarash ka bixineyso ee waa dawo adiga kaa timid”

Waxa uu sheegay in culeyskiisu ahaa mid caafimaadka u diiday balse hadda uu yahay nin caafimaad iyo jir ahaan dareemayo nashaad asagoona miisaan uu ku sheegay ku dhowaad 50Kg iskaga yareeyay cabida kaadida.

Arintaan ayuu sheegay inay dad badan ku dhibsadeen waliba saaxiibadiis balse waxa uu sheegay inuu asagaba dadka kula taliyo inay dawadaan ka faa’iideystaan oo aysan fursadan dayacin dadka culeyska dareemaya.