DAAWO VIDEO: Nin Facebook live soogalay asagoo deldelaya gabartiisa oo 11 bil jir ah asagiina is dilay

Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxa uu sameeyay arin dadkii daawaday ay aad uga naxeen taasoo ah inuu gbartiisa yar oo 11 bilood jirta uu facebook toos usoo galay asagoo deldelaya waqti ku sugnaayeen qeybta kore ee dhismaha ay deganaayeen.

sababta ku kaliftay inuu gabartiisa dilo ayaa lagu sheegay in hooyada gabarta dhashay ay isaga jeclayn ayna nacday saas bedelkeedna uu ka doortay inuu sidaan sameeyo.

waa markii 2aad oo muddo bil gudaheed ah ay arintan ka dhacayso Facebook ayadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka dhacday sidan oo kale wadanka Mareekanka gaar ahaan Cleaveland.

Facebook ayaa todobaadki lasoo dhaafay shaacisay inay wax ka qaban doonto Videoyada argagaxa leh ama aan u wanaagsaneen indhaha caalamka inay arkaan, ayadoo laga cabsi qabo dad badan inay live usoo galaan Facebook ayagoo fal dambiyeed geysanaya.

halkaan ka daawo qaybta hore ee Videoga 

Halkan ka daawo Qaybta 2aad