Daawo Video Mashiin casri ah oo kaluunka ugu tayada badan lagu soo qabto

Shirkad caalami ah oo ka shaqaysa horumarinta iyo naqshadaynta mashiinada (robots) kuwaas oo sahlaya in howl si fudud lagu qabto shirkadan oo la yiraahdo IRobots Corp. ayaa markan soo saartay mashiin casri ah kaas oo kuu sahlaya in aad soo qabsato kaluunka loo yaqaano “Lionfish” waana kaluunka ugu tayada badan kaluunka kaasoo caafimaadka wax badan u tara waana kaluunka ugu adag in si fudud lagu soo qabto balse markaan ayaa mashiinkan casriga ee “Robot, chefs” ayaa kuu sahlaya inaad si fudud usoo qabsato kaluunkaas tayada wanaagsan.

Collin Angel oo ah maamulaha shirkadda IRobot ayaa waxa uu yiri qalabkan waxa uu qabtay howshii aan ugu talo galnay taasoo ah mid aad loogu baahnaa, waxa uu yiri aaladan waxa gadaal uga xiran matoor kaasoo usoo nuuga aaladan kaluunka halkaas ayuuna ku heynayaa.

Halkaan ka daawo video aaladan casriga ah.