DAAWO VIDEO: Is rasaaseynta dhex martay Ciidanka Amaanka Australia iyo muwaadinka Soomaaliyeed intaan la toogan ka hor

Waxaa maalinimadii Isniinta dalka Australia lagu toogtay Muwaadin Asalkiisu ahaa Soomaali oo lagu magacaabi jiray Yacquub KHayre kaasoo la sheegay in uu afduub u gaystay Haweeney u dhalatay dalka Australia ee ku sugneed meel aan sidaa uga fogeyn magaalada Melbourne oo lagu magacaabo Brighton Seige.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu afkiisa ka qirtay inuu ka tirsana Ururka Daacish intaan la toogan kahor, Saraakiisha Booliska Melbourne ayaa sheegay in Haweeneyda afduubka loo geystay ay soo wacday xarun Idaacadeed isla markaana u sheegtay in afduub lagu haysto  sida ay xaqiijiyeen dadkii ay la hadashay Haweeneyda ayaa sheegay inuu nin la hadlay sheegayna inuu yahay mid kamid ah Daacish.

Askar tagtay halka haweeneyda lagu haystay ayaa la sheegay in ay rasaas is weydaarsadeen qofkii afduubka geystey waxaana ku dhaawacmay 3 askari halka la diley muwaadin Soomaali ah oo halkaa qaxootinimo ku joogay.

Ururka IS ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen afduubka waxana garabka warbaahinta u qaabilsan IS uu sheegay in weerarka afduubka uu ahaa mid loogaga soo horjeedo ka mid ahaanshaha dowlada Australia ee isbahaysiga la dagaalama ururka IS.

Booliska dalka Australia ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan falkan ayna u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in ay ciidamada nabadsugida dalka Australia ay il gaar ah ku hayeen tan iyo markii laga soo daayay xabsiga sanadkii 2010 iyadoo xilligaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshe weeraro isqarxin ah oo la doonayay in lagu qaado saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin Sydney’s Holsworthy.