Daawo Video: Dad shacab ah oo deldalay nin gabar 4 jir ah kufsaday hadana dilay

Shacabka ku dhaqan bartamaha waqooyiga dalka Bolovia ayaa sameeyay fal la yaabay kadib markii ay jeelka kala soobaxeen nin lagu eedayay inuu faraxumeeyay gabar yar oo 4 sano jir ahayd taasoo uu hadana dilay.

Booliska ayaa waxay sheegeen gabartan in mudoo la baadi goobayey ay ka heleen meydka guriga ninka lagu tuhmayo inuu asagu kufsaday gabartaas, ninkan oo lagu magacaabo Reyes ayay boolisku jeelka dhigeen balse waxaa isla markiiba ka daba tagay shacab caraysan oo sheegay inaysan sugi Karin maxkamadeyntiisa oo ay ayagu gacmahooda ku fulin doonaan xukunka ninkaas gabarta yar sababta u ahaa inay geeriyooto.

Ugu danbayn shacabkii ayaa jeelka ku xoomay kalana soo baxay dambiile Reyes ayagoo ku jiidaya laamiga si ba’ana u garaacaya ayay waxay geeyeen goob fagaare ah daqiiqado kadibna halkaas ku dal daleen.

Af-hayeen u hadlay booliska magaalada arintaasi ka dhacday ayaa sheegay in kiisku uu hadda dhowr waji yeeshay ayna baari doonaan dadkii soo abaabulay weeararkan jeelka lagala baxay dambiilaha asagoona sheegay in shacabku aysan is xakameyn oo ay u gacan dhaafeen booliska ayna arintaasi tahay wax laga xumaado.

Halkaan ka daawo video iyo sawiro ku saabsan dhacdadaas