Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka badbaaday saaka Qarax ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Adis ababa, halkasoo uu kumanaan qof kula hadlay.
Ciidamada amniga ayaa isku xeeray Ra’iisal wasaaraha kadib qaraxa oo aanay waxba ka soo gaarin, waxaana degdeg looga kaxeeyay goobta, iyado ay isku isku wareejiyeen ciidamada, wuxuuna qaraxa dhacay wax yar kadib markii uu khudbadiisii dhammeystay.
Saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in dhowr qof ku dhaawacmeen qaraxa, iyadoo xaaladda ay isku bedeshay mid qasan. Qaraxa ayay saraakiisha booliska sheegeen inuu ahaa mid yar oo kaliya dhaliyey dhaawacyo fudud.
SAWIRADA INTA AANU QARAXA DHICIN KAHOR.
DAAWO SAWIRADA QARAXA MARKII UU DHACAY KADIB.