Duufaanti ugu xooganeyd oo ku dhawaad muddo 90 sanno ah ku dhufata Jaziirada Puerto Rico ayaa damisay gabi ahaanba korontada jaziiradaasi oo ay ku noolyihiin 3.4 million oo ruux.
Duufaanta Maria oo saacadiiba jareysay 185 km, ayaa Arbacadii buburisay boqollaal gurya ah halka ay sababtay fatahaado xoog leh.
Khubarrada dhinaca saadaasha hawada ayaa sheegay in awoodda duufaanta ay hoos ugu soo dhacday darajada labaad halki ay awal ku socotay qeybta shanaad, laakinse laga cabsi qabo in mar kale ay kor usii kacdo Khamiista maanta ah.
Tan iyo marki ay bilaabatay duufaanta Maria, ayaa waxay ay dishay ilaa iyo sagaal ruux guud ahaan dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka.