Booliska dalka Nigeria ayaa gacanta ku dhigay labo Nin oo dhalinyaro ah kuwaas oo lagu qabtay ayagoo wata Madax dadeed oo ay kasoo gooyeen wiil dhalinyaro ah.
Ragaan la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Abdulrashid Amin oo 22 jir ah kana mid ahaa dadka degaanka Lupa iyo Ismaila Mihamed oo ahaa 27 jir kana mid ahaa dadka degaanka ku ah Makera ayaa lagu helay in ay Qoorta ka jareen Hasan Abubakar oo ahaa dadka ku nool Bakajeba Paiko L.G.A.
Labadan naxariislaawe ayaa qirtay in ay dilka wiilka dhalinyarada ah u adeegsadeen Midiyo aad u af badan oo uu midkiiba watay hal midi oo ah nuuca sida sahlan wax u goyn kara wararku waxa kale oo ay sheegayaan in uu jiro ruux kale oo lagu magacaabo Ibrahim kaasoo leeyahay falkan foosha xun.
Abubakar oo ah wiilka Madaxa laga jaray ayaa sheegay in wiilkiisa ay ugu dambeysay asagoo ruux aan la aqoon u geynaya biyo kaasoo banaanka ku sugayay waxii intaas ka dambeeyana ay waayeen balse markii dambe uu maqlay in la hayo Madax dadeed oo go’an iyo raggii falka geystay oo saldhiga Booliska lagu hayo ayuu si deg deg ah ku tagay Saldhiga waxa uuna soo xaqiiqsaday in wiilkiisa Hassan Abubakar uu yahay Ruuxa la dilay.
Ragaan dilka gaystay ayaa ka mid ah dad shabakad ah kuwaas oo ka ganacsada Xubnaha dadka Bini-aadamka kuwaas oo la sheego in ay ku daweynayaan dad Xanuuno kala duwan qaba.
Falkan Argagaxa leh ayaa hadda waxaa kiiskiisa la wareegay Booliska isla markaana Baaritaan dheer ku samaynaya Raggaan ka tirsan shabakada Xubnaha dadka ka ganacsada.