Dowlada Turkiga ayaa Ruushka ka iibsanaysa Gantaalo Casri ah oo loogu tala galay difaaca cirka, waxaana Heshiiskan labada dowladood kala saxikixdeen uu noqonayaa mid xriirka labada dhinac sii xoojinaya.
Ruushka ayaa ogolaaday in dowlada Turkiga ka iibiyaan Gantaalada casriga ee lidka diyaaradaha ee S-400, waxaana hubkan difaaca cirka loogu tala galay in lagu xoojiyo awooda Ciidamada Turkiga.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay in dalkiisu uu Dowlada Ruushka siiyay carbuunta heshiiskan oo lagu qiyaasay lacag dhan 2.5 bilyan oo Doolar.
Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in hannaanka gantaalkan casriga ee S-400 ee laga iibinayo Turkiga uu gaari karo 400 km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.
Dowlada Turkiga oo leh ciidamada labaad ee ugu badan Gaashaanbuura NATO ayaa calaaqaad dhaw la yeeshay Ruushka wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday calaaqaadkii ay Turkiga la lahaayeen Maraykanka.