Daawo sawiro: waxyeelada iyo kasoo kabsashadii Niyuklerkii lagu dhuftay dalka Japan

Magaaladii ugu horeysay oo lagu dhufto Atomic Bomb Niyukler waxay ahayd magaalada taariikhda gashay ee Hiroshima taasoo wajahday musiibo dagaal tii ugu xumayd intii lagu guda jiray dagaalkii labaad ee aduunka waxaa kale oo isla todobaad gudahiis hadana Niyukleer kale lagu dhuftay magaalada labaad ee Nigasaki taasoo ayadana xaalad xun wajahday musiibo dagaal.

Madaxweynihii Mareekanka ee talada haye sanadii 1945kii  Harry S. Truman oo caan ku ahaa go’aan qaadasho iyo mayal adeeg ayaa amray in lagu weeraro Niyulkler magaalooyinka Hiroshima iyo Nigasaki.

Agoosto 6-1945 ayay ahayd markii ugu horeysay oo la adeegsado Niyukler Bomb kaasoo lagu dhuftay Magaalada Hiroshima taasoo maalinki koowaad sababtay dhimasho saa’id ah iyo bur bur baaxad leh dhimashada maalinka koowaad ayaa lagu qiyaasaa toboneeyo kun  ayadoo qiyaasta maalmahii kalena ay sii dhaaafeen ilaa 90 kun oo dhimasho ah iyo dhaawaca iyo qasaaraha kale oo intaas ka badan waana Hiroshima oo kaliya.

Agoosto 9- 1945 ayaa hadana magaaladii labaad ee Nagasaki Niyukler Bomb lagu dhuftay taasoo hadana lagu qiyaasay dhimashadii maalinka kowaad isla Sodomeeyo kun ilaa markii dambe la xaqiijiayay dad ka badan 100,000 ( boqol kun) ay waxyeelo kasoo gaartay Saameynta Niyuklerkaas.

Dadka ku dhibaatoobay ayaa waxyeelada soogaartay waxay u badneed haweenka iyo caruurta iyio dadka da’da ah kuwaas oo ku neef qabatimoobay sunta hubkaas aadka wax u gumaada, ayadoo gubashana ay soo gaartay dadkii labadaas magaalo deganaa, sidoo kale waxa jiraty saameyn ku timid dhalashada caruurta taasoo jirtay muddo sanado ah.

waa diyaaradi oo ku dhufanaysa Niyukler bomb magaalada Hiroshima
waa Bomkii loo adeegsaday burburintii magaalooyinka Hiroshima iyo Nigasaki

Japan ayaa u muuqday mid adkeysi u leh Bomkii hore ee lagu dhuftay Hiroshima kadib markii uu diiday inuu dagaalka faraha kala baxo balse arintu saas kuma sii ekaane waxaa maankiisa bedelay Bomkii labaad ee lagu dhuftay Nigasaki markaas ayuu 5 maalin kadib ku dhawaaqay inuu dagaalka dhankiisa ka dhamaaday.

saameynta uu ku yeeshay caruurta kuwaasoo muuqaal aan wanaagsanayn ku dhashay.

 

saameynta uu ku yeeshay caruurta kuwaasoo muuqaal aan wanaagsanayn ku dhashay.
kana waa dhibane ka badbaaday musiibadii niyuklerka saas ayay u ekaatay gacmahiisa
waa dhibane kale oogadiisa ayaa saas u ekaatay

Halkan ka daawo sawirada kale duqaynti iyo burburkii magaalooyinka Hiroshima iyo Nigasaki.

Halkan ka daawo sawirada kale ee soo kabsashadii Hiroshima iyo Nigasaki

Diyaarintii iyo turjumaadi Ustaad Nuuraani Bakaraani: