Daawo sawiro lamaanaha caalamka ugu gaaban iyo farxada ay ku noolyihiin

Ma ahan abuurista Allah wax lagu mada daalo laakiin waxaa jira xaqiiqooyin dhowr ah oo ku tusinaya in caalamka qofba dooq leeyahay taasoo hamigiisa ka dhigta mid uusan ka joogsan karin ilaa iyo uu ka gaaro  xaqiijinta hadafkiisa hadaba waxan halkan kusoogudbineynaa Lamaanaha caalamka ugu gaagaaban waxaana noqday Paulo Gabriel da Silva iyo Katyucia Hoshino oo u dhashay wadanka Brazil, kuwaasi oo cabirka dhererkoodu kala yahay 34.8in iyo 35.2in, waa lamaane aad isagu kalsoon aadna isku caawiya farxadna aad ka dheehan karto wajiyadooda.

Lamaanahaan ayaa toban sano ka hor iska bartay baraha bulshada ku xidhiidho sida MSN Messenger, xiligaasi kadibna waxaa dhex maray sheeko la xidhiidha hasaawe.

Paulo Gabriel da Silva iyo Katyucia Hoshino ayaa doonaya in ay taariikhda caalamka galaan iyo buuga lagu qoro mucjisooyinka ee Guinness Book of World Records.

Lamaanahan ayaa ah kuwa mid walba si gooni ah xirfadiisa ugu shaqaysta ayadoo Katyucia Hoshino ay leedahay meel beauty Saloon ah ama koofeer taasoo ay ka shaqaysato halka Paulo Gabriel da Silva uu yahay xog haye sharci yaqaan ah balse hamigiisa ayaa ah inuu noqdo duqa magaalada u kasoo jeedo taasoo uu doonayo inuu dhanka siyaasada iyo maamulka kusii balaarto.