Daawo sawirada xerada casriga ah ee uu Turkigu u dhisayo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Degaanka Jaziira ayaa waxa ka socda dhismo wayn oo lagu dhisayo xarun lagu tababaro ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed kuwaasoo qaab casri ah loo tababari doono markaan, imikana waxay xaruntaasi ku dhowdahay gabagabo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kormeer ku tagey xarunta asagoo bogaadiyay howsha uu turkigu ka wado xaruntan

Mudane Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay dhismaha Xaruntani ay door weyn ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo Dawlad burburkii aan helin goob kamid ah dalka ay ku tababartaan.