Daawo sawirada waxyaabaha Boko-haram ay u adeegsato qaraxyada oo la helay

Waxaan halkaan kusoo bandhigeynaa waxyaalaha laga sameeyo qaraxyada ay wax ku gumaadaan     Boka-Haram waana wax inta badan ay si fudud ku helaan ayagoo adeegsada waxyaabo badan oo la isku daray kuwaas oo si ba’an wax u layn kara marka la isku maduufikeeyo.

Hadaba sanadkii hore dhexdiisa ayay ahayd maarki xoogaga Militariga Nigeria ay galeen geerish si qarsoodi ah  loogu sameeyo waxyaabahaas kuwaasoo sawiradooda ay soo bandhigtay wakaalada NNA ee laga leeyahay dalka Nigeria.

Waxyaabaha ay adeegsadaan ayaa waxaad ka arki kartaa inay yihiin kuwa si sahlan loo helo si fududna wax loogu maduufikeen karo agabka ay u adeegsadaan inay wax ku gumaadaan waxaa ka mid ah baaruuda haraadiga ah, Bateriyaasha Gawaarida, Gasacado, haamaha Oksijiinka iyo kuwa Gaaska hadaba warbixintan diirada lagu saarayey waxyeelada ka dhalan karta qaraxyada loo adeegsado maduufikadaas la isku geeye ayay ku sheegeen mid aad khatar ugu ah noolaha si dhib yarna ku samaysa qarax kaasoo gaari kara baaxad wayn dhalin karana Khasaaro si mug leh u muuqan karo.

Hadabba ciidanka badbaada iyo ka hortaga khataraha waxay ka digayaan in la dhayalsado waxyaabahan sida fudud wax u gumaada ayagoo ku baaqay in fiiro gaar ah loo lahaado marki aad aragto ayakoo wado yaal ama gaari saaran amaba si kale aad ku aragto.

Sidoo kale waxay sheegeen qolyaha ka shaqeeya badbaadada iyo ka hortaga Khataraha inay u adeegaan shacabka ayna ka doonayaan wada shaqayn dhab ah oo lagu wadaagayo xogta la xariirta waxyaabaha maduufikada ah ee sida fudud looga sameeyo qaraxyada.