Daawo Sawirada: Qoys u geeriyooday Cunto sumeysan oo ay cuneen


Qoys ka koobnaa 5 qof oo ahaa hooyo, Aabe, iyo 3 caruur ah oo ay dhaleen ayaa u geeriyooday cunto sumeysan oo ay cuneen, Qoyskan oo ku noola Okija oo ka tirsan Gobolka Anambra ee dalka Nigeria ayaa aad looga naxay geeridooda.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka dhacdadan oo dhacday todobaad kahor hooyada ayaa sida caadiga ahayd dhameeysay Karinta Cuntada kadibna diyaarisay waxaana shaqo ka yimid aabaha Qoyska isla markaana waxa ay bilaabeen in ay isla cunteeyan aabaha iyo 3-da caruurta ah waqti kooban kadib waxaa aabaha uu bilaabay inuu dhiig matago daqiiqado kadibna waxaa bilaabay caruurta in ay ayaguna matagaan dhiig si deg deg ah ayaa loo geeyay Isbitaal balse ma aysan suurta galin in ay badbaadaan oo waa ay geeriyoodeen.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa xaqiijiyay in ay Qoyskani cuneen Raashin Sumeysan taasna ay sababtay in ay u geeriyoodaan.

Qoyskan waxaa ugu dambeeyay oo geeriyooday hooyada taasoo la sheegay in ayaduna u geeriyootay naxdin marki ay weysay Familkeeda taasoo la sheegay in ay mar qura dhacday ayna miir soo yeelan weyse ilaa ay naftu sidaa uga baxday.

Raashinka sumeysan ayaan la garanayn qaabka ay sunta usoo gaartay ayadoona aysan jirin qof lagu tuhunsanyahay inuu sumeeyay Raashinkaas balse waxaa la dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhacdadan naxdinta leh.