Daawo Sawirada: Qabiil Faraha iska gooya markii uu Qofi ka Geeriyoodo

Halkan waxan uga hadli doonaa dhaqanka ay leeyihiin Qabiil ku nool Galbeedka Buuralayda  New Guinea ee Dalka Indonesia Dadkan waa bulsho badan oo qiyaastii gaaraya ilaa 250,000 qof ( laba boqol iyo konton kun oo qof) waana dad go’doonsan oo aan jeclayn inay la jaan qaadaan nolosha cusub.

Qabiilkan waxaa la dhahaa DANI waa dad dunida caan ka ah kana Go’doonsan waxayna leeyihiin dhaqamo kala duwan oo ka yaabiyay bulshadii ogaatay ama darsi ka samaysay xaalada nololeed iyo mida dhaqan ay leeyihiin.

Waxaan ka hadli doonaa markii uu qof ka geeriyoodo qabiilkan DANI waxa ay haweenkoodu sameeyaan inay faraha qaybta kore ka jaraan ayagoo ku sheegay inay tahay tacsi sharafeed ama ay ku ixtiraamayaan qofkii qaraabada la ahaay  ee geriyooday.

Farahaan ay jarayaan ayay ku sheegeen mid baroor diiq ah taasoo aan waligeed aysan iloobeen waxayna ugu magac dareen baroor diiqdii aan dhamaan.

Xaaladan ay faraha isaga jarayaan qabiilkan Dani ayay u sameeyaan kaliya marki ay qof qaraabo ah oo ay jecelyihiin uu ka geeriyoodo ayaa qoyskaas geeridu ku timid haweenka u jooga ay faraha iska jaraan ama ay iska Gooyaan.

Dadkani marka ay farta jarayaan kahor ayay xarig adag ku xiraan ilaa 30 daqiiqo taasoo ay uga hortagayaan xanuunka ku imaan kara ama dhiig baxa kadibna ay farta qaybta hore ka jaraan oo ah halkii ay ka xirneed meel ka sareysa.

Waxaad arki doontaa haween ay faraha badankood ka jaranyihiin kuwaas ayaana la macno ah inay u soo joogeen shaqsiyaad  ku qaali ah ama qaraabo la ah geeridooda.

 

warbixintaan waxaan kasoo xiganay wargayska Daily mail UK.

Halkan ka daawo sawirada qabiilka Dani