Daawo Sawirada: Qaabka loo badbaadiyay Tahriibayaashii Doonidu kula degtay meel u dhow Jaziirada Lambaduza

Dooni ka baxday xeebaha dalka Libya ayaa lasoo sheegayaa in ay ku qaraqantay Xeebta jaziirada Lambaduza ee dalka Talyaaniga.

Doonidaan oo ay saarnaayeen Tahriibayaal u badan Wadamada Galbeeldaka Afrika iyo Soomaali ayaa la sheegay in Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ay caawinaad u fidiyeen ugu dambeyna ku guuleystay in ay dad ka mid ah rakaabkii Doonidaas ay badbaadiyaan.

Ilaa iyo hadda lama oga in ay jiraan dad ku geeriyooday balse waxaa la arkayay Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo gurmad ballaaran u fidinaya tahriibayaashan ayagoona ku daabulayay Maraakiibtooda.

Tahriibayaal farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Afrikaan kale ayaa hore ugu geeriyooday badda Mediterenimka ee u dhaxeysa Liibayo iyo Italy.