Daawo sawirada ninkii dilka ugu hanjabay Donald Trump oo gacanta lagu soo dhigay

Waxaa mudooyinkan dambe soo if baxay Nin qal-qal xoogan galiyay amniga wadanka Mareekanka iyo guud ahaan shacab weynaha ka dib marki nin lagu magacaabo joseph Jakubowsi uu u hanjabaay madaxweynaha dalkaas ee Donald Trump ninkan oo 32 jir ah ayaa ka caraysan habdhaqanka Donald Trump.

Ninkaan ayaa jabsaday Baqaaro hub ka buuxaan wuxuuna waraaqo hanjabaad ah u diray aqalka cad ee looga taliya dalka Mareeykanka ee (the White House) kaas oo sheegay in uu qarxin doono ama dili doono Madaxweyne Donald Trump .

Joseph Jakubowski ayaa sameeyay urur mucaarad ah oo ka soo hor jeedo siyaasada Madaxweyne Donald Trump wuxuuna gubay dhoor gaari . Wadooyinka ugu caansan dalka Mareeykanka ayaa maalmahaan dambe waxaa lagu soo dhajiyay sawirada Joseph Jakubowski kaas oo dadka looga digay .

Boqolaal ciidan oo aad u hubeeysan ayaa ka qeyb qaatay raadinta iyo ugaarsiga Joseph Jakubowski , waxeeyna ugu dambeyntii ku guuleysteen inay nolasha ku soo qabtaan ninkaan iyo hubkii uu jabsaday.