Daawo Sawirada: Nin lagu qabtay asagoo wato madax dadeed

Nin lagu magacaabo Touwfik Hassan ayaa la qabtay asagoo jawan ku sita madaxa gabar yare e kamid ah dadka degaanka  Ikoga-zebbe ee nawaaxiga Badagari ee magaalada Lagos dalka Nigeria.

Ninkan waa  61 jir dhirta wax ku daweeya  waxaa  lagu qabtay hilibkan gabarta uu gowracay oo fareesh ah kaasoo uu ku sitay jawaan xubnaha jawaanka ku jiray ayaa ahaa Madax, Gacmaha qaybta calaacalaha, iyo Wadne.

Ninkaan ayaa la ogaaday inuu jawaanka ku sito xubno dadeed kadib markii la arkay jawaanka oo dhiig ka da’ayo taasna ay shaki ku dhalisay dadka degaanka isla markaana si qasab ah uga qaaday jawaanki waxayna kasoo bixiyeen xubnaha gabarta.

Ninkaan geystay dilka foosha xun ayaa booliska loo gacan galiyay halkaasoo su’aalo lagu weydiiyay waxa  uuna sheegay inay gabartan u ahayd Macaamiil balse aysan macmiil joogta ah u ahayn.

Touwfik Hassan ayaa qirtay inay u tahay markii labaad uu sidaan dad u dilayo sababta uu saas u sameeyana ay tahay inuu doonayay inuu xubnahaas iibsado.

Sidoo kale waxa uu cadeeyay inay jirto haweeney kale oo ku lug leh dilkan taasoo qayb lixaad leh ka qaadatay ayadoona gabarta soo usoo waday meesha ay balantu ahayd in lagu qalo oo ah wabiga dhinaciisa ugu dambeyn balanta ayaa ahayd marki ay wabiga agtiisa keento inay ka tagto kadib aniga aan u imaado howsheydana aan guto waana sameeyay sidaa arkeysaan saas ayuu Booliska u sheegay Touwfik Hassan.

Ninkaan ayaa cadeeyay sirta ka dambeysa iibsiga xubnaha Aadanaha asagoona sheegay inay hadda kuwa lagu qabtay ay u wadeen wadaad caan ah oo lagu magacaabo Baba Ronke Kaasoo  Quraafaadka iyo Daawo dhireedka wax ku daweeya.

Ninkaan ayaa hadda gacanta Booliska wali ku jira waxaana la doonayaa in lasoo qabto haweeneydii  la fulisay howshan.

Wadanka Nigeria waxaa ka jira shabakado isku xiran kuwaas oo ka ganacsada xubnaha Dadka.

Halkaan ka daawo Sawirada waxayna ka koobanyahiin sawiro naxdin leh ka fogaaw hadaadan awoodin.