Nin hubeysan ayaa weeraray Kaniisad ay ku jireen dad Kirishtaan ah kuwaas oo maalinimadii Axada ahayd isagu soo aruuray Kaniisada SP-Philips Catholic Church xili ay ku guda jireen cibaadadooda sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Anabra ee koofurta dalka Nigeria.
Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu dilay ku dhowaad 50 qof halka uu jiro dhaawac soo gaaray dad kale oo ku sugnaa goobtaas, dadka la dilay ayaa isagu jiray caruur, Haween, iyo Rag.
Diowladda Nigeria ayaa laga dalbaday in ay si deg deg ah jawaab uga bixiso weerarkaas foosha xun ee loo geystay dad ayagu ku mashquulsanaa howlahooda diimeed.
Falkan ayaa loo malaynayaa inuu la xariiro Argagaxisanimo mana jirto warar dheeraad ah oo ilaa haatan kasoo baxay Weerarkaas Kontomeeyada qof lagu dilay.
SAWIRRO