Daawo Sawirada: Gantaalada Patriot-ka ee Mareekanka uu qorsheynayo inuu Imaaraatka ka iibiyo

Wasaarada gaashaandhiga ee Maraykanka ee beentigoonka ayaa sheegtay in wasaarada dibada ee Maraykanku ay ogolaatay in ay ka iibiso dawlada Imaaraadka gantaalada Patriot-ka loo yaqaano.

Waxa lasugayaaba waa in Congeresku ogolaado heshiiskan lagu kala iibsanayo gantaalada, kaasoo qiimihiisa lagu sheegay in uu ku kacayo Laba Bilyan oo Dollar.

Bantagoonka ayaa bayaan kasoo baxay ku sheegtay in hubkan ay doonayaan in ay ka iibiyaan isutaga imaaraadka ay uga gol leeyihiin oo keliya sidii amaan dheeraada loo heli lahaa , iyagoo ku sheegay in hubkan loo adeegsan doono Siyaasada debada iyo amniga qaranka ee Maraykanka.

Dawladda imaaraadka ayaa qayb ka ah isbahaysiga Milatari ee uu horkacayo Sucuudigu ee Yemen kaasoo lagaga soo horjeedo Xuutiyiinta ka dagaalanta isla dalkaasi Yemen.

Imaaraadka ayaa codsatay in ay iibsato 160 gantaal iyo qalab kale oo military, sida laga soo xigtay Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka.

Waxaa la qorsheeyay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qeyb qaadan doono shirka gancanka Carabta ee uu qaban doono Sucuudigu dabayaaqada bishan.

Daawo Sawirada Gantaaladaas halista ah