Daawo Sawirada: Gabdho ay dhaqan u tahay inuu garaaco wiilka ay jeclaadaan

Akhristayaasha sharafta leh waxaan mar walba wakhti ku bixinaa sidaan idinkugu soo bandhigi lahayn dhaqamada kala duwan ee ka jira caalamka anagoo kusoo qaadano barnaamijkeena arimaha bulshada.

Markaan waxaan uga hadli doonaa qabiil lagu magacaabo Hamar kuwaas oo leh dhaqamo ka duwan caalamka intiisa kale marka loo eego qaabka ay isku cadibayaan marka uu jacayl ku dhaco ama ay damcaan inay lamaane yeeshaan.

Hadaba qabiilkan Hamar waa qabiil ka mid ah dadka reer Itoobiya waana qabiilada cawaanta ah kuwaas oo inta badan ay iska ag dhowyihiin dadka la yiraahdo Turkana ee reer Kenya, qabiilkan Hamar waxa ay degaan dhulka baadiyaha ee Itoobiya.

Markii ay gabari jeclaato wiil waxay codsataa inuu garaaco waliba si xoog leh ayadoona ku qanacsan, garaacaan waxay u adeegsadaan UL adag oo aan jabayn hadana ah mid si fudud u dhaawaceysa jirka gabadha, garaacaan ayay ku sheegaan inuu yahay cadayntii jacaylka ay u qabtay wiilka ay guurka ka dooneyso.

Garaacaan ayaa sameeyo nabro kuwaas oo dhibaato ku reeba jirka gabarta balse waxay u yaqaanaan nabrahii jacaylka taasoo ay ku sheeaan in lagu ogaado xadiga jacaylka ay gabarta u qabto wiilka.

Gabarta ayaa inta aan la garaacin ka hor marsata bur-cad kaasoo ay isaga yareynayso waxyeelada usha balse waxaa is qabsada dhiig iyo burcadka kaasoo jirka ka dhiga mid aan la fiirin Karin.

 

Sidoo kale garaacan ayay ka dhigtaan mid ay ku dhira galiyaan jacaylka iyo inuu qofku u muuqdo mid niyad iyo daacadnimo u haya jacaylka.

Xaflad ayay si heer sare ah u agaasimaan waqtiga la qabanayo dabaal-degaan ayadoo ay kazoo qayb galaan haween badan oo horay u maray imtixaankan ayagoo ciyaar iyo hees u qaadaya dadka u diyaarka ah garaaca  xafladan ayay dabaal-degeeda  11-05-2017  waxay ku qabteen OMO River Valley ee gudaha Itoobiya waxaana dabaal-degaan lagu magacaaba Ukuli Bula

Sidoo kale waxaa jira sharuudo uu wiilku soo buuxiyo marka uu doonayo inuu diyaar u noqdo inuu gabarta karbaasho kaasoo ugu horeyn qasab ay tahay inuu wajigiisa rinji soo mariyo ama kalaro kala duwan dharkana iska siibo kadibna  lagu amaraa inuu ka boodo Dibi wayn ee loo diyaariyay marxaladaas ayay u yaqaanaan tii uu wiilkan uga soo gudbaayay wiilnimada una gudbaayo Raganimada waa arin cajiib ah markii loo fiiriyo dhaqanka ay dadkaani leeyihiin.

Warbixintaan waxan kasoo xiganay Mail Online Sawiradana waxaa qaaday Sawir Qaade Jeremy Hunter.

Halkaan ka daawo sawirada