Daawo Sawirada: Gabar la dilay oo laga baxsaday Xubno Muhiim ah kadib wiil ay ka baratay Baraha Bulshada

Gabar dhalinyaro ahayd oo lagu magacaabo laydia Aka kuna magac dheer “DC-Queen” oo baraha Bulshada aad looga yaqaanay gaar ahaan dalka Ghana ayaa la sheegay in la dilay kadib markii ay waqti habeen ah ay caways ahaan ugu soo daahday mid kamid ah Kalaabyada ku yaalo magaaladi ay ku noolayd.

Dilka loo gaystay gabartaas ayaa la sheegay in ay ka dambeeyaan rag ayagu ka ganacsada Xubnaha dadka Bini’aadamka kuwaas oo lacago badan ka sameeya.

Laydia Aka ayaa la sheegay in Maydkeeda laga helay meel ka baxsan magaalada ayadoo gacmaha iyo lugaha ka xiran waxaana lagala baxay 2 xubnood oo kaliya kuwaas oo kala ah Carabka Iyo Xubinta taranka, Arintan ayaa loo malaynayaa inuu ka dambeeyo Saaxiibka ay mudooyinkan la socotay.

Gabartan ayaa la sheegay mudooyinkii u dambeeyay in ay xariir la waday nin Hantiile ah balse aysan dadku saas u garanayn kaasoo ay ka baratay Baraha Bulshadu ay ku xariirtu gaar ahaan Instagram-ka.

Laydia Aka ayaa horay waxaa ugu digay Baadariga Kaniisada ay ku xirantahay kaasoo u sheegay in ay ka gaabsato Nimanka faraha badan ay la socoto isla markaana ay taxadar muujiso balse hadalka baadariga waxba kama soo qaadin.

Waxaa jiro muuqaalo ay soo qaadanayaan Wargeysyada ka faalooda arrimaha Bulshada kuwaas oo muujinaya naxariis darada loo dilay gabartaas balse Muuqaalkaas ayaa h mid aan ku habooneen anshaxa iyo araga qofka Muslimka ah.

SAWIRRO