Daawo Sawirada: Fanaan caan ah oo lagu xiray Mareekanka kadib markii uu kaar Bank uu soo xaday diyaarad qaas ah ku kireystay

Fanaan iyo muusikyahan caan ka ah wadanka Nigeria oo lagu magaacbo Johnson-Hunga Oyindamola Emmanuel balse magaca uu caanka ku yahay waa Dammy Krane ayaa lagu xiray magaalada Miami ee dalka Mareekanka.

Fanaankan ayaa lagu haystaa dambi ah inuu isticmaalay kaar aqoonsi uusan lahayn iyo inuu lacag qiyaastii ku dhow 17,000$ kala baxayay Credit card qof kale leeyahay asagoo isticmaalaya tiknolojiyad casri ah.

Fanaankan ayaa diyaarad qaas ah kiraystay si uu dalxiis ugu tago magaalo kale balse shirkadii Diyaarada yarta ah laga kireystay ayaa isla markiiba ogaatay in ninkaani uu isticmaalayo aqoonsi been abuur ah taasoo ay ku ogaadeen in Kaarka iyo Ninkaan magaciisa aysan islahayn isla markaana waxa ay wargaliyeen qolada ku shaqada leh waana loo cadeeyay in ninkaani uu yahay tuug xadaya aqoonsi islaameed iyo hanti shaqsi kale.

ugu dambayn waa la xiray asaga iyo Nin kale oo saaxiibkiis kaas oo la socday waqtigii uu falkaan samaynayay Fanaankan Dammy Krane.

Fanaankan ayaa la xiray isla markaana loo sheegay inuusan lahayn Kaarkan saasna uu ku muteystayxariga balse ugu dambayn waxaa lagu sii daayay Damiin.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA FANAANKAN OO GUDAHA  DIYAARADA KU JIRA