War bixintan waxan uga hadli doonaa xerooyinkii lagu haysan jiray aadanaha adoonsiga loo soo qabsaday ee Afrika iyo Asia kuwaas oo sida xayawaanka lagu hayn jiray meelo xiran oo shabaqyo ah halkaas oo kumaankun oo qof ay usoo daawasho tegi jireen.
Waxyaabaha Wadamada Yurub iyo waqooyiga Amerika gaar ahaan Mareekanka ay aad ugu ceeboobeen ayaa ah inay xero u sameeyaan dad nool kuwaas oo noloshooda kale leh.
Ma ahan sanado badan marka loo fiiriyo saameynta maskaxeed ee ay reebtay dhacdadii dadka loogu xareysan jiray xerooyinka siliga ka samaysan wadamada sidaan u horseeday ayaa ahaa wadamada Faransiiska iyo Beljimka iyo waliba wadamo kale oo badan.
Waxaa jiray xarumo dadka lagu xareeyo ( HUMAN ZOO) halkaas oo ay aad ugu soo booqan jireen dad u dhashay wadamada reer yurub waliba 200 ilaa 300 kun oo qof ayaa waqtiyadii bilawga ahayd soo booqan jiray Dad nool iyo xayawaan la iskula xareeyay hal xero.
Waxaa sii balaartay xiisaha ay u qabaan dadka inay daawadaan xayawaan iyo bini-aadam meel kuwada jira waxayna gaartay inay laba jibaaranto xarunmaha lagu haayo dadka adoonsiga ku jira ayadoo bandhig carweed lagu soo bandhigay 1889 magaalada paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa kazoo qayb galay18 milyan oo daawadayaal ah kuwaas oo daawanayay dadka ku jira xerada kuwaas oo lasoo bandhigay ayagoo qaybo ka mid ah jirkoodu uu qaawanyahay laguna dhex tuuray xero silig ku wareegsanyahay.
Aad ayay usii shaac baxaday waxayna noqotay mid lacag si sahlan looga samayn karo wadamada badan oo Yurub kamid ah ayay ku faaftay 1800kii ilaa iyo bartamihii 1900kii.
Waqooyiga Ameerika ayay gaaraty gaar ahaan Mareekanka kaas oo bilaabay asna ka ganacsiga iyo ku xareynta xeryaha si loo booqdo dadkaas adoonsiga loo heysto.
Mareekanka ayaana u furay xarun si wayn loogu booqdo taasoo ku taalo NEW YORK laguna magacaabo BRONX ZOO waxana lagu xareyn jiray dadka laga keeno wadanka CONGO.
Waxaa jiray Dad aad u xiiseynaya dadka ku jira xeryaha inay daawadaan halka Dad kalena ay aad uga murugeysnaayeen inay arkaan Bini-aadam iyo xayawaan hal xero wadaagaya ayna muujinayeen siday uga xunyihiin ficilada halkaas ka socda “warkan waxaa sheegay jariirada New York Times”.
Waxaa jiray in dadkaas aad loo jir dili jiray aadna loo dhibaateyn jiray qaab la xariira cunsurinimo sanadahii Gumeysiga Afrika kaliya laguma boobin Kheyraad waxaa kale oo lagu wax yeeleeyay Sumcadii iyo Sharaftii wadamada Afrika taasoo ilaa iyo hadda laga dareemi karo saameyntii aan wanaagsaneen oo ay ku reebtay Qaarada Afrika.
Waxaa wali jira in gumeysi casri ah kaasoo in badan oo ka mid ah wadamada Afrika iyo kuwa la midka ah aysan dareemi karin.
Sidoo kale Wadamadii sidaan wax yeelay ayaa wali ka talinaya Dunida ayago sheeganaya inay ilaalinayaan xuquuqda aadanaha iyo xoriyada qofka.
xigasho PlaidZepra.com