DAAWO SAWIRADA:- Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay nin 25 sano ku shaqaysanayay Sixirka

Ciidamada booliska Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga  dhigay  nin muddo 25 sanno ku shaqaysanayay sixirka iyo nin kale oo kaaliye u ahaa, kaasi oo magaaladda yimid sanadkii 1992dii.

Taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Labada nin ay ka soo qabteen guri ku yaal mid ka mid ah xaafadaha magaaladda, wuxuuna soo bandhigay alaabo kala duwan oo uu sheegay inay u adeegsan jireen sixirka, kuwasoo ka  koobnaa Lafo Ari oo shiilan, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool buskud  iyo waxyaabo kale oo la misku tidcay.

‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxa uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday’’ Ayuu yiri taliyuh

Ninkan saaxirka ah oo lagu magacaabayo Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano, wuxuu sheegay inuu 25-sano uu  rooxaan iyo mingis soo dajinayay, isagoo adeegsanaya Lafo Ari, Caws iyo Alaabo kale oo qashin u badnaa oo lagu qabtay.

‘’Muddo 25-sano ah ayaan joogay Boosaaso oo aan garaacayay Mingiska iyo Rooxaanta, anniga oo jiifa oo Qaad cunaya ayaa la iso xiray, waxaa la igu soo qabtay Lafo iyo Caws waa wixii aan Rooxaanta ku garaacayay’’ Ayuu yiri Maxamed Cismaan, wuxuuna intaas ku daray

‘’Lafaha Rooxaanta ayaan kuso dejinaa, waana sharaxnaa Lafaha ka dibna waxaan saarnaa cawska, dadka lacago ayaan ka qaadanaa, kuwo Konton Doolar ayaan ka qaadi jiray, halka kuwo kalena aan lacago kale ka qaadan jirnay’’.

Dhinaca kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in ninkan lagu eedeeyay Sixirka,  ay ugu yeereen Sheekh Cabdul Xaq oo ka mid ah culumadda dadka ku daaweeye Quraanka si u waraysto, uuna u hubiyo awooda uu leeyahay sixirkiisa

‘’ markii uu soo galay ayuu gariiray ninku, wuu u waramay, wuxuu Shiikha u balan qaaday inuusan u noqonayn hawshan, Sharciga ayaan horgeynaynaa ninkaan’’ Ayuu yiri taliye Yuusuf Axmed.

Taliyigu wuxuu kaloo sheegay  inay jiraan dad badan oo xanuunsan oo ka cabanayay in la sixray, isagoo xusay in kiiskan la daba joogay, cid kasta oo Saaxiriin ah oo magaalada joogta la qaban doono.

Gabagabdii, Taliyuhu wuxuu sheegay inay Maxkamadi horgayn doonaan Ninkan saaxirka ah iyo dadka La shaqaysta, waxaa kaloo uu sheegay inay bilaabayaan olole ballaaran oo lagu soo qabqabanayo dadka ku shaqaysta Sixirka ee dhuumanaya Bosaso, isagoo ka codsaday dadka inay feejignaan muujiyaan, kana fogaadaan Saaxiriirta.