Aroos aan horay loo arkin ayaa ka dhacay Gudaha dalka Nigeria kaasoo loo dhigay wiil iyo gabar Faqiir ah, Aroosada ayaa waxaa taaj looga dhigay Mara kaneeco Ama Sansiyeeri halka dharka hoos gashigana looga dhigay Jawaan uu ka dhamaaday Bariis.
Arooskan ayaa dadkii kasoo qayb galay badankood waxa ay u heysteen in ay tahay wax ay majaajilo ahaan u matalayaan balse waqti yar kadib ayay ogaadeen arintu in ay ka weyntahay Majaajilo oo ay lamaanahan aysan haysan lacag ay ku samaystaan Aroos wayn ama uu wiilka aroosayo uu Aroosada ugu iibiyo Dharka loo xiro Caruusada.
Arintan uu soo bandhigay wargeyska Moji Delano uuna idiin soo turjumay Warbaahinta Goobsan ayaa noqotay mid ay siyaabo kala duwan uga hadlaan dadka ku xariira Baraha Bulshada halka dadka qaar ay ku jeesjeesayeen kuwa kalena ay la tiiraanyeysnaayeen Arooskan aadka u liita ee loo dhigay Gabarta yar.
SAWIRRO