Daawo Sawirada Aabe wiilkiisa Gowracay si uu xibnihiisa u iibsado

Nin u dhashay wadanka Gaana laguna magacaabo Abdul Salam oo 32 jir ah isla markaana  ka tirsan dadka beeraleyda ku dhaqan degaanka Adidaase una dhow Amanso Amenfi In Wasa Amenfi Galbeedka ee Wadanka Gaana ayaa gowracay wiilkiisa oo 6 jir ah.

Abdul Salam ayaa lagu sheegay inuu wiilkiisa madaxa uga jaray sababo la xariira inuu aabahaasi ka mid ahaa dadka inta dila dadka kadibna kasii iibsada  dadka ayagu isticmaala xubnaha Bini-aadamka kuwaas oo aaminsan inay cibaado tahay amaba sharaf lagu helaayo.

Falkan ayaa dhacay 25kii bishaan ayadoo Wiilka yar ee aabahiis qashay la waayay 18ki April waxaana baadi goob ku hayey booliska iyo dadka degaanka.

Dadka degaanka ayaa sheegay in aabaha qudhiisa laga shakiyay sababo la xariira inuu ka mid ahaa kuwa Dadka ugaarsada waxayna ku hayeen baaritaan hoose ayagoona ugu dambeyn soo ogaaday inuu aabahaasi qashay wiilkiisa uuna doonayo inuu beerta ku dhex duugo.

Nasiib Wanaag Booliska ayaa helay warbixinta ku saabsan wiilka yar in aabahiis qashay isla markiiba booliska ayaa soo qabtay aabahii oo doonaya inuu wiilkiisa ku duugo Beerta halkaas uu god uga qoday.

Kiiskan ayaa hadda gacanta waxaa ku haayo Booliska ayadoo la doonayo in aabahaas tacadiga kula kacay caruurtiisa maxkamad lasoo taago.

Halkaan ka daawo sawirda