Daawo orodka Xayawaanka naasleyda ugu socodka gaaban caalamka

Xayawaankan ayaa lagu magacaaba “Sloth” waa xayaawan ka mid ah naasleyda inta badan waxa uu ku noolyahay koofurta iyo bartamaha qaarada America, waana xayawaan aad u socod gaaban waxay ku qaadataa daqiiqado inuu ka gudbo masaafo dhan 10 miter.

Sloth waa xayawaan aan aad u korin sidoo kale waxaa aad u gaabiya dheefshiidkiisa kaasoo ay ku qaadato marki uu wax cuno inuu dheefshiidkiisu ku burburiyo mudo dhan 2 todobaad waana xayawaanka naasleyda ugu hooseeya shaqada dheefshiidka.

Sloth waxa uu u qaybsamaa kuwa 3 suul leh iyo kuwa 2 suul leh

Halkan ka daawo socodkiisa waliba waa asagoo ordaya.