Nin ka mid ah dadka ka ganacsada Maandooriyaha ama Daroogada ayaa si qalad ah isagoo deg degsan waxa uu u fuulay Baabuur Boolis isagoo moodayay in uu Taxi yahay.
Arrintan ayaa ka dhacday deegaanka Christiana oo ah goob ka tirsan caasimadda Denmark ee Copenhagen, halkaas oo ah deegaan la aas-aasay 1970-yadii, waxaana ay caan ku tahay kala iibsiga maandooriyaha.
Ninkan oo deg degsanaa ayaa dareemay in uu qalad weyn sameeyay markii uu dhex fariistay kursiga dambe ee baabuur Boolis, balse markii la baaray waxaa laga soo saaray illaa 1000 xabo oo maandooriye ah, waxaana loo dhaadhiciyay saldhigga.
Warbixin ka soo baxday Booliska Copenhagen ayaa lagu yiri “Xalay nin maandooriyaha ka ganacsada ayaa si deg deg ah baabuurka booliska u soo galay isagoo moodayay inuu Taxi yahay, yaab ayay ku noqotay markuu ogaaday in uu dhex fadhiyo baabuur ciidan, saraakiishii Booliskuna aad ayay ugu farxeen inay arkaan, maadaama uu waday 1000 xirmo oo maandooriye ah”.