Cilmi baaris lagu ogaaday waxtarka basbaaska iyo faa’iidadiisa

Cilmi baaris ayaa sheegaysa in cuntooyinka basbaaska ama qajiga lagu daro ay kordhiyaan xasuusta aadanaha,  sidoo kale maskaxda ayay ka caawiyaan  inay si fiican u shaqayso inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin saameynta arintan ka dhalan karta. Dhirtan kulaylka leh waxaa ku badan maado la yiraahdo Apigenin, taaso neerfisyada fariin-qaadayaasha maskaxda ka caawisa inay noqdaan kuwa xoogan, xariirka maskaxda ka dhacayana uu wanaagsanaado, taasina ay keento in xasuusta qofta ay noqoto mid dareen fiican leh.

Saynisyahano u dhashay dalka Brazil  ayaa sheegay in maadada ku jirta basbaaska ee (Apigenin) ay kasii kooban tahay walxo la yiraahdo (flavonoid) oo ka hortaga xanuunada maskaxda ku dhaca, sida isku buuqa, asaasaqa, iyo xasuusta oo lunta.

Daraasadan oo horudhaceeda uu baahiyay machadka Regenrative Biology oo aanu kasoo xiganay ,

Waa tii ugu horeysay ee muujisa saameynta basbaaska iyo maadada ku jirta ee Apigenin ay ku leedahay unugyada bini-aadamka iyo neerfisyada.

Shaybaarka lagu tijaabiye ayaa lagu ogaaday in maadadani daweyso unugyada bini-aadamka ee maskaxda haddi ay xanuunada kor lagu soo xusay ay lasoo darsaan muddo 25 maalin gudahood ah.

Cilmi baarisyo hore ayaa muujiye in maadadan ay maskaxda ku leedahay saamayn  togan ayna maskaxda ka shaqaysiiso.

Prof. stevens rehen oo ka tirsan jaamacada Rio De Jeneiro university ee dalka Brazil oo daraasadan samaysay ayaa sheegay in basbaasku u fiicanyahay maskaxda shaqadeeda, xasuusta, iyo waxbarashada.