Ciidamo AMISOM ah oo ka baxay Soomaaliya oo gaaray dalka Uganda

Ciidamadii ugu horreeyay ee ka mid ahaa howlgalka Amisom kana baxay Soomaaliya ayaa ku laabtay dalka Uganda ee ay ka soo jeedeen.

Talaabadaan ayaa timid kadib markii Dowladda Uganda ay ku dhawaaqday in Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

ku-xigeenka Afhayeenka Militariga Uganda Deo Akiiki ayaa warbaahinta dalka Uganda u sheegay in dowladda Uganda ay ka dhabeysay go’aankii ay ku dhawaaqday islamarkaan Ciidamadii ugu horreeyay ay dib ugu laabteen Uganda.

Waxa uu sheegay in tiro ahaan Ciidankan ay hadda yar yihiin hayeeshee 2 ilaa saddexda todobaad ee soo socota Ciidamada Uganda ee ka laabta Soomaaliya la gaarsiinayo 281 Askari oo u dhashay Dalka Uganda.

Dowladda Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga 6,000 oo Askari oo ka mid ah howlgalka Amisom ee Soomaaliya, waxaana waqtiga ugu dambeeya ee Ciidamada ugu horreeya Amisom ka baxayaan Soomaaliya ku eeg tahay 31ka Bishan December iyada oo la qorsheynayo in ay noqdaan 1,000 Askari oo dhamaan dalalka xubnaha ka ah Amisom qeyb ku leeyihiin.