Ciidamada Puntland ee ku gadoodsan magaalada Garowe oo baaq qeylo-dhaan ah usoo diray madaxweyne Farmaajo (WAREYSI)

Gaadiid fara badan ayaa ku xaniban koontaroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garoowe, halkaasi oo xalay ay la wareegeen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland.

Ciidamadan ayaa sheegaya in tallaabadan ay ku dhaqaaqeen ayaga oo ka cabanaya inaysan wax mushahar ah qaadan muddo dhowr bilood ah.

Sarkaal u hadlay ciidamadaasi gadoodsan oo wareysis siiyay idaacadda VOA-da laanta afka Soomaaliga ku hadasha ayuu waxa ay baaq qeylodhaan ah udiray madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxayna codsadeen inĀ  la soo farageliyo musuq-maasuqa baahsan ee lagu hayo ciidanka Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA LA YEELATAY :