Ciidamada Libya oo badbaadiyay Tahriibayaal African ah

Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya ayaa shalay oo Khamiis ahayd badbaadiyay Laba Doomood oo ay saarnaayeen 301 Qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, xilli ay ku guda jireen howlo gaafmeer ah.

Doomahan oo ku qallibmay Xeebta Magaalada, Garrabulli oo 55-KM Koonfur kaga beegan Caasimadda Tripoli ayaa waxaa dadka saarnaa ka mid ahaa 46 Carruur ah iyo Saddex Haween ah, sida uu Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegay afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Liibiya oo lagu magacaabo, Ayob Qassem.

Ciidamada Badda Liibiya ayaa Todobaadkan gudahiisa badbaadiyay 273 tahriibayaal ah, kuwaas oo si sharci daro ah doonayay inay ku galaan Waddamada reer Yurub, iyagoo sidoo kale helay Meydadka 17 Qof.

Dadka Tahriibayaasha Afrikaan ka oo Jinsiyado kala duwan isugu jira ayaa loo qaaday Saldhigga Ciidanka Badda ee Tripoli si loogu daweeyo, ka hor inta aan loo dhiibin hay’adda laanta socdaalka iyo Muhaajiriinta, taas oo u kala saari doonta wadamada ay ka soo kala jeedaan dadkan.

Dowladda Liibiya ayaa waayadii damba dedaallo xooggan ugu jirta sidii ay u uruurin lahayd dadka Tahriibayaasha ah oo Sanadihii dambe marin u ahaa dalkeeda si ay ugu tallaabaan waddamada Reer Yurub, halkaas oo Kummanaan ka mid ihi ay ku dhinteen Badda, Saxaraha iyo Gacanta Muqallasiinta.