Ciidamada Amaanka Oo Gacanta ku dhigay Haweeney Cirbad ku durtay Darawal Mooto Bajaaj

Duhurnimadii Talaadada Maanta ayaa waxaa agagaarka Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho waxaa Haweyen la sheegay in Darawal Mooto Bajaaj ay ku durtay curbad aan ilaa iyo hadda la ogeyn waxa ay tahay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Haweyneyda Wiilka dhalinyarda ah uu ku waday Mootada balse markii ay mareysay agagaarka km4 ay cirbada ku durtay intaasi kadibna uu wiilkii aad u qeyliyey.

Dhacdadaan Maanta ayaa ah mid aad loo hadal haayo,waxana ay aheyd mid bilihii u dambeysay iyada oo mid la mid ah ay horay uga dhacday Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Haweenayda falkan gaysatay ayaa hada ku xiran xarunta CID waxaana ciidamada amaanku baaritaan ku wadaan dhacdadan markii labaad soo noqotay, dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale Wiil dhalinyaro ah Cirbad loogu duray, iyadoo haweenaydii falkaas geysatayna ay weli gacanta ku hayaan ciidamada amaanka,

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dhacdooyin ugub ku ahaa dalka, Waxaana arintaas walaac ka  Muujiyay shacabka ku nool.