Caruur ku sumoobay indha Kuul ay Marsadeen oo Isbitaal la dhigay

Illaa 3 carruur ah ayaa isbitaalka la dhigay dalka Australia kadib markii ay isticmaaleen indha-kuul summaysan oo lagu sameeyay dalka Pakistan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa indha-kuusha ka heley maadada Lead-ka loo yaqaan , waxayna ku jirtaa xad dhan 84% boqolkiiba, waxaa kale oo ku badan biro halis ah.

Dowladda waxa ay sheegtay in si sharci ah loogu dhoofiyay dalkaas, balse macluumaadka dusha kaga qoran baakadka alaabta ayaa ah mid aanan sidii saxda ahayn aanan loo qorin.

Alaabaha ay soo saarto shirkadda Hashmi ayaa laga mamnuucay dalka Maraykanka, waxaana horey u jiray digniino horey ay dalal kale uga soo saareen.

Dadka reer Australia ayaa loo sheegay in ay joojiyaan isticmaalka alaabaha la’isku qurxiyo ee shirkadda Hashmi oo ay indha-kuusha ka mid tahay.

Maaddooyinka kale ee caafimaadka halista ku ah ee alaabahan laga heley waxaa ka mid ah Arsenic, cadmium, chromium, iyo mercury, kuwaas oo dhammaantood ah curiyeyaal biro iyo waxyaabo kale isugu jira, kuwaas oo aanan loogu talogalin isticmaalka bini’aadamka si aanan habboonayn.

Maadada Lead-ka ayaa waxa ay keentaa halis dhinaca maskaxda iyo kilyaha ah, gaar ahaan carruurta, xitaa haddii xad aad u yar ay ka isticmaalaan.

Shirkadaha ku xad gudba jaangooyada caafimaad waxa ay wajihi karaan illaa $800,000 kun oo ganaax ah gudaha dalka Australia.