Canada: Xisbiga UCP oo ku guuleystay doorashadii Alberta

Xisbiga midigta fog ee muxaafidka ah ee United Conservatives Party (UCP) oo uu hoggaaminayo Jason Kenney ayaa cod aqlabiyad ah ku guuleystay doorashada gobolka Alberta ee dalka Canada oo ay ku tartamayeen xisbiyo badan. 

Jason Kenney oo dowladda federaalka ee Canada kasoo qabtay wasaarado muhiim ah oo ay kamid yihiin difaaca qaranka iyo socdaalka iyo arrimaha soo-galootiga xilligii dowladdii muxaafidka ee raysul wasaare Stephen Harper ayaa afarta sano ee soo socota ka talin doona gobolkaasi Alberta.

Alberta waa gobolka labaad ee ay deggenyihiin Soomaalida ugu badan ee Canada marka laga yimaado Ontario.

Dhagayso waraysi Idaacada VOA la yeelatay Bashiir Xaaji Cali (Jamaal) oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida Alberta